You are currently viewing 6 Qaab Online lacag looga sameeyo: Xaqiiq ah oo la tijaabiyey

6 Qaab Online lacag looga sameeyo: Xaqiiq ah oo la tijaabiyey

Dunida maanta, iyadoo dad badan ay raadinayaan dabacsanaan, xorriyad, iyo madaxbannaanida dhaqaale, internetku wuxuu noqday aalad weyn oo laga abuuri karo dakhli dhab ah. Adigoo jooga gurigaaga, qolka fadhiga ku jira iyo adigoo jiifa waxaad awoodaa inaad online lacag joogto ah ka sameyso, adigoo hirgelinaayo waddoyiinka maqaalkan ku qoran oo ah habab la isku raacey horena loo soo tijaabiyey.

Maqaalkan waxaan u kala qeybiyey habab faahfaahsan, la xaqiijiyay, la isku haleyn karo oo online lacag looga sameeyo. Haddii aad tahay qof ku cusub online-ka, bilow ah oo raadinayo inuu online lacag ka sameeyo, waxaa muhiim ah inaad waqti badan geliso sida aad uga miro dhalin lahayd hamigaaga. Ogow ma jiro hab fudud, degdeg ah oo lacag lagu sameeyo, hab kasto waxa ay u baahan tahay waqti, juhdi iyo go’aan qaadasho dhab ah. Hadaba cinwaanada hooose waxaad si qoto-dheer uga bogan karta qaab kasta sida online lacag looga sameeyo iyo qaabka uu u shaqeeyo.

1. Freelancing (Adeeg bixin online ah)

Freelancing waa mid ka mid ah hababka ugu dabacsan ee lagu bilaabi karo si bilaash ah, adigoon kaa bixin wax kharash ah. Kaliya waxaad akoon ka furaneysaa mid kamid ah shirkadaha freelancing-ka ku shaqeeya sida: Upwork, Fiverr, Freelancer iyo Toptal.

Marka aad akoon ka furato waxa aad ka sameysaneysaa profile kuu gaar ah kaas oo aad kusoo bandhigeyso shaqoyiin aad qaban karto oo aad aqoon u leedahay. Shaqoyiinka waxay noqon karaan kuwo aad online ku qaban karto sida inaad qoraalo turjunto, mareeg (website) dhisto, guryo naqshadeyso, macalin noqoto iyo shaqo kasto aad xirfadiisa leedahay. Waxaa xusid mudan in xirfadan freelancing-nimad ay ku shaqeystaan xirfadyahano kor u dhaafaya 400 milyan.

Qaabka ay u shaqeyso Freelancing

Shirkaduhu waxay si joogto ah u baahan yihiin caawimaad, waxaana ay jecel yihiin inay shaqaaleystaan shaqaale freelancer ah halkii ay ka qaadan lahaayeen shaqaale buuxa oo joogto ah. Haddii aad dhisto sumcad wanaagsan, shaqoyiin aad hore u qabateyna profile-kaaga ku soo bandhigto waxaad kasban kartaa $10–$100 saacaddiiba iyadoo ku xiran xirfadahaaga iyo shaqada aad qabaneyso.

Qofka freelancer-ka ah iyo loo shaqeeyaha adeega ama shaqada loo qabanayo waxaa idin dhaxeenaya shirkadda aad markaas adeegiisa isticmaaleyso. Shirkadaha ugu caansan waa kuwa aan kor kusoo xusey. Shirkadaha bixiya adeega freelancing-ka tiro ahaan way badan yihiin, hadba midka aad doorato ayaad akoon ka furaneysaa. Marka aad shaqada ama adeega qabato ayey shirkadda kuu fasaxeysaa lacagta aad shaqada ku qabatey, ayadoo qeyb yar oo kamid ah lacagta ay shirkadda qidmo ahaan u qaadaneyso.

2. Dukaamada Online-ka (Dropshipping ama Daabacaadda Qaaska ah)

E-commerce waa mid koraya, oo ku badanaya caalamka, waxaa jira kumanaan qofood oo doorbidaya iney online ka adeegtaan. Waxaad sameeneysa mareeg (website) e-commerce ah oo iibiya badeeco ama adeeg (goods or service) kuwaas oo noqon kara kuwo aad adigu leedahay ama aad kasoo iibsatey suuqyada caalamka waxaadna ku soo bandhigeysaa mareegtaada.

Sidoo kale waxaa xusid mudan inaad iibin karto badeeco ama adeeg aadan adigu lahayn, kana soo iibsanin suuqyada caalamka kaas oo loo yaqaano dropshipping. Waxaad kaliya sameneysaa website adigoo adeegsanayo shopify, kaas oo kuu suurtagelinayo inaad soo bandhigto badeeco ama adeeg, kadibna marka uu macamiilkaaga soo dalbado, waxaad si fudud ugu diri kartaa cinwaankiisa goobta uu ku sugan yahay. Waxaa xusid mudan in adeegaan uu u furan yahay caalamka oo dhan adiga oo goobtaada ku sugan ayaad alaab gaarsiin kartaa aduunyada daafaheeda goob kasto uu macamiilkaaga ku sugan yahay.

Qaabka ay u shaqeyso dropshipping iyo e-commerce

Waxaad abuureysaa dukaankaaga online ah, waxaadna ku iibinaysaa alaabooyin iyadoo aad adeegsaneyso dropshipping ama dukaan adiga kuu gaar ah. Hadii aad isticmaaleyso dropshipping, bixiyaha adeega ama badeecada ayaa mas’uul ka ah kaydinta iyo rarista.

Adeegaan waxaad ka heleysaa shopify iyo Oberlo oo loo yaqaano dropshipping ama Etsy iyo Printify oo ah daabacaadda qaaska ah sida shaatiyada ama koobabka, adigoo ku daabacayo naqshad adiga kuu gaar ah. Waxaad ka shaqeyn kartaa ganacsigaaga iyadoo aan loo baahnayn kharashyo badan. Kaliya diiradda saar naqshadeynta, suuq-geynta, iyo adeegga macaamiisha (customer care).

3. Bilaabidda Kanaal YouTube (YouTube Channel)

YouTube ma ahan oo kaliya meel loogu talagalay dadka saameynta leh, waa fursad dakhli oo muddo dheer socon karta. Waxaad furaneysaa kanaal adiga kuu gaar ah, waxaad si joogto ah ku daabaceysaa muuqaalo tayo leh oo aad adiga leedahay. Waxay noqon kartaa muqaalo aad iska duubtey adigoo mawduuc xiiso leh ka hadlaayo ama muuqaalo adiga asal ahaan u leedahay sida inaad ruwaayad duubto, ama xitaa muqaalo kooban oo aad talefankaga gacanta ku duubtey. Kaliya waxaad iska ilaalineysaa muuqaal aad meel kale kaso qaadatey inaad soo dhigto ama ku daabacdo kanaalkaga, waxey ku keeneysaa in laga joojiyo barnaamijka lacagta lagu sameeyo ee loo yaqaano Youtube Partner Program. Si aad u akhriso maqaal faahfaahsan sida YouTube lacag looga sameeyo Guji Halkaan.

Qaabka ay u shaqeyso YouTube Partner Progra

Waxaad duubeysaa muuqaalo ku saabsan mawduuc gaar ah (tiknoolajiyada, jimicsiga, maaliyadda shakhsiga ah, safarka iwm.). Waxaadna kasbanaysaa dakhli iyada oo loo marayo xayaysiisyada, iskaashiga, iyo suuq-geynta la xiriirta. Ilaha dhaqaale ee youtube lacag looga sameeyo waxaa kamid ah: Barnaamijka Iskaashiga YouTube ee aan kor ku sheegey, iyo xayeysiis la xiriira inaad shirkad gaar loo leeyahay aad qandaraad xayeysiin ah ka qaadato, adigoo u xayeysiinaayo muuqaal la xiriira adeegyada ama alaabooyin dijitaal ah.

Mawduucyada muuqaalada waxay dhisaan kalsoonida iyo ka qaybqaadashada dhisida xirfad ama kalsooni aad u sareeya. Qaar ka mid ah muuqaal baahiyeyaasha waxay bilaabaan inay kasbadaan dakhli muddo 3 bilood gudahood haddii ay si joogto ah u daabacaan ama u duubaan muuqaalo tayo leh ayaga oon bixin wax kharash ah.

4. Suuq-geynta Isku-xirka (Affiliate Marketing)

Hel lacag adigoo dadka kula talinaya alaabooyin aad ku kalsoon tahay. Affiliate Marketing waa xirfad ku saabsan inaan soo bandhigto adeeg ama badeeco adiga aad soo tijaabisey oo waxtar leh, isla markaasna aad talo ahaan u bixineyso fikradaada iyo waxa aad kala kulantey inta aad adeegsaneysey adeegaas ama badeecadaas.

Waxaa jira shirkado badan oo bixiya adeegan waxaadna ka heleysaa malaayiin adeeg ama badeeco ah kuwaas oo u diyaarsan in qaabkan u shaqeeyaan, shirkadaha waxaa kamid ah: CJ, Hubspot, Semrush iyo kuwo kale oo badan. Marka aad falanqeyn ka bixiso adeega ama badeecada isla markaasna la iibsado ayadoo la isticmaalyo link-ga aad adigu ku talo bixisey adeegaas, waxaad sameeneysa lacag badan hadba inta jeer ee la adeegsadey link-gaaga ayaad lacag sameeneysaa. Markaad dhisto bog ama kanaal YouTube ah ama isticmaalka warbaahinta bulshada, waxaad abuuri kartaa dakhliga joogtada ah oo loo yaqaano passive income.

5. Baridda Ama Waxbarashada Online-ka

U adeegso aqoontaada si aad uga caawiso ardayda, laga bilaabo carruurta ilaa xirfadlayaasha. Waxaad baraysaa ama ka caawineysaa mawduucyada aad ku fiican tahay (xisaabta, luuqadaha, barnaamijyada, iwm.) adigoo adeegsanaya wicitaanno fiidiyoow toos ah ama casharro hore loo duubay.

Waxaan sameysan kartaa mareeg (website) adiga kuu gaar ah oo aad ku gudbin karto casharada aad aqoonta u leedahay, waxaadna si bile ah u sameyn karta lacag badan hadba inta ardey ee kugu xeran. Waxaa sidoo kale jira madalo caalami ah oo aad ku soo bandhigi karto casharadaada sida: VIPKid (baridda Ingiriisiga carruurta Asia) Preply, Cambly (baridda luuqadaha) Wyzant, SuperProf (baridda mawduucyada akadeemiyada) Skillshare ama Udemy oo aad ku bari karto koorso kasto oo aad aqoontiisa leedahay. Barashada online-ka waa mid si weyn u koraysa. Haddii aad jeceshahay inaad barato, tani waa hab aad u wanaagsan oo lacag lagu kasbado.

6. Qorista Maqaalada (Blogging)

Blogging (Bog-qorid) waa howl qoraal, daabacid iyo maamul joogto ah oo lagu sameeyo bog internet (blog). Waxa ay inta badan ka koobnaan kartaa maqaalada, aragtiyaha shaqsiga ah, ama xogta mowduucyo gaar ah, iyadoo lagu soo bandhigaayo qaab is-dhexgal leh ama hadal-qoraal fudud. Haddii aad jeceshahay qorista, tani waa ikhtiyaar wanaagsan oo muddo dheer shaqeyn kara. Waxaad ku bilaabi kartaa bloggaaga oo aad lacag ka samaysaa adigoo adeegsanaya xayaysiisyada, suuq–geynta, ama iibinta alaabooyin.

Leave a Reply